Shariif Sheekh Axmed oo Puntland ku amaanay howlgalka ka dhanka ah Daacish
Feb 06 (Jowhar) Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa boggaadiyay howlgalka Ciidamada Daraawiishta Puntland ay ka wadaan buuraha Cal-miskaad ee ka dhanka ah kooxda Daacish.
Shariifka oo qoraal ku baahiyay bartiisa Facebook ayaa ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa halganka guud ee shacabka Soomaaliyeed isaga difaacayaan argagixisada duullaanka ah.
“Waxaan boggaadinayaa howlgalka Ciidamada daraawiishta Puntland ee ka dhan ah kooxda Daacish waana tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa halganka guud ee shacabka Soomaaliyeed isaga difaacayaan argagixisada duullaanka ah islamarkaana gumaadka ku haya dadkeenna. Ficillada kooxaha argagixisada ah waxay ka soo horjeedaan shareecadda islaamka, hab-nololeedka bulshada Soomaaliyeed, xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan ammaanka gobolka” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Si kastaba, Ciidamada difaaca Puntland oo kujira howlgalka Calmiskaat ayaa helay macluumaadyo muhiim ah, meydad argagixisada oo an horey loosoo bandhigin, ahna Horjoogayaashii ajnabiga ahaa oo dhaawacyo gaaray u dhintay, Argagixisaduna badbaadsan weyday oo godad looga cararay.
Maanta Saraakiisha ciidamada ayaa howlgalo ka sameeyey furimaha hore oo ay ciidamadu kusii siqayaan, sidii loo gali lahaa buuraha adag ee ay wali kooxahan ku dhuumaleysanayaan.