Shariif Sheekh Axmed oo weerar culus ku qaaday madaxda dowladda Soomaaliya
Jul 26 (Jowhar.com)- Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh AXmed oo saaka shir jaraa’id ku qabtay magaalada Miqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, Sida doorashooyinka, Arrinaha Qaadka, Gaabiska dagaalka Shabaab iyo xarriga suxufiyiinta.
Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in dowladda ay ka gaabisay dagaalkii ku fooraray kooxda Al-Shabaab, isagoo si cad u tilmaamay ineysan xiligan jirin ciidan dagaal kula jira kooxda.
“Mala socotaa maanta in Ciidamada Meleteriga hal guuto oo dagaalami karta aysan ku jirin, hanaanka loola dagaalamey AS haduu fiican yahay maxay ciidamada usoo jabeen”.
Waxa uu wax lala taabo ku tilmaamay in madaxd dowladda ka tirsan ay ku lug leeyihiin arrinaha Qaadka dalka la keeni, taasina loo xiro suxufiyiin marka ay soo bandhigeen.
“Jaad waa soo geli jiray dalka balse waligay ma arag Madax sare oo ku lug leh arrimaha maandooriyaha, wariyaha la xirayna intaas ayuu sheegay waana sax”.
Arrinta hubkii lagu qabtay Cabudwaaq ayuu tilmaamay iney hoos u dhigo karto aaminaadii caalamka ee amaanka dalka oo hubkaasi uu Shabaab u gacan gali karo.
“Dadaal badan ayaa la geliyay in cunaqabateynta la qaado balse waa nasiibdaro in markiiba ay muuqato mas’uuliyad-daro ah in hubkii uu gacanta u galay shacabka, Dowladuna ay ku lug leedahay oo Ciidankeedii ay gelbinayaan Hub sharcidaro ah”.
Dowladda ayuu sidoo kale ki eedeeyay iney duulaan ku tahay madaxda dowlad goboleedyada oo ay dooneyso iney buuq ku furto arrinaha doorashooyinka maamulada.