Shariif Sheekh,Kheyre iyo C.Cabdishakuur oo cambaareeyay go’aanka Golaha Wadatashiga

Oct 30 (Jowhar)-War saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa waxay si adag u cambaareeyeen, ugana soo horjeesteen go’aanka muddo kordhinta ee Golaha Wadatashiga Qaran ka soo baxay, kaasoo loo sameeyay dowlad goboleedyada.

War Saxaafadeedka ayaa lagu yiri inay tahay sharci darro in dowlad goboleedyada loo sameeyo muddo kordhin.

“Waxaan si adag u cambaareynaynaa go’aanka muddo-kordhinta sharcidarrada ah ee qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran u sameeyeen dawlad-goboleedyada qaybta ka ahaa shirka. Go’aankan wuxuu dalka u horseedayaa qalqal amni iyo xasilooni-darro siyaasadeed, wuxuuna halis ku yahay geedi-socodka dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya. Waxaana shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddeyneynaa in aannan marnaba aqbali doonin nooc kasta oo muddo-kororsi ah” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay Madaxdan hore.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More