Sheekh Aadan Madoobe oo kulan gaar ah la qaatay safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya

Feb 09(Jowhar)Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaallya Danjire Pier Mario Docco Coppi, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo saaxiibtinimada labada dal.

Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in labada wadan ee Talyaaniga iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo dhinacyo badan taabanaya hadana uu meel wanaagsan marayo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo bogaadiyay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa Dowladda Talyaaniga iyo midowga Yurub uga mahadceliyay taageeradooda Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More