Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan oo madaxweyne Xasan kala hadlay qarixii lala beegsaday

Mar 19(Jowhar)Madaxweynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan, ayaa maanta soo wacay madaxweynaha Soomaaliya Xasam Sheekh si uu uga waraysto xaaladdiisa kadib isku daygii weerar ee shalay lagu qaaday madaxweynaha.

Sheekh Maxamed Bin Zayed ayaa u rajeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh badbaado iyo nabad, isagoo mar kale cambaareeyay dhammaan falalka rabshadaha, argagixisada iyo naceybka ku salaysan.

Waxa uu sidoo kale xusay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada shacab iyo saaxiibtinimada labada dal, iyo xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dhinac.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Madaxweynaha Imaaraadka taageerada uu muujiyay, isagoo adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta xiriirka gaarka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo muhiimadda ay siiso horumarinta iskaashiga iyo xasilloonida labada dal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More