Sheekh Shariif oo safiirka Ingiriiska kala hadlay muranka doorashooyinka dalka

Feb 10(Jowhar)Madaxweynihii 7-aad ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay safiirka boqortooyadda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Mudane Mike Nithavrianakis.

Sheekha iyo Ambassador  Mike Nithavrianakis ayaa ka wada hadlay khilaafka dowladda dhexe iyo maamul Goboleedyada, hannaanka doorashooyinka oo si weyn la iskugu khilaafsanyahay, gargaarka bini’aadanimo, ammaanka iyo dhaqaalaha.

“Waxaan maanta kulan gaar ah Magaaladda Muqdisho kula yeeshay safiirka boqortooyadda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Mudane Mike Nithavrianakis waxaana kulankeenna iskula soo qaadnay sida ugu habboon ee lagu xali karo jahawareerka siyaasadeed ee dalka ka jira sida Khilifaafka u dhaxeeya Dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyadda iyo hannaanka doorashooyinka oo si weyn la iskugu khilaafsanyahay” ayuu ku yiri qoraal yu baahiyay Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka ayaa kusoo beegmaya xili xaaladda siyaadadeed ee dalka ay kacsan tahay, uuna sii xoogeystay khilaafka dowladda dhexe iyo maamulada, tiiyoo ay sii dheer tahay walaaca siyaasiyiinta ee qabsoomida doorashooyinka dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More