Shir ay Xasan Sheekh iyo Xamze la lahaayeen Axmed Madoobe oo fashil kusoo dhamaaday

Oct 05 (Jowhar)Shir gaar ah oo xalay ay lahayeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday.

Waxaana la isku mari-waayay qodobada la xiriira Doorashooyinka, dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada kale marka reebo Jubbaland ay ku mideysan yihiin in doorasho toos la galo, iyadoo Jubbaland ay doonayso in doorashadeeda ay si gaar ah u qabsato.

Inkastoo aanu si toos ah u fashilmin shirkii guud ee NCC, haddana waxaa muuqata in dowladda Federaalka ay dadaal badan ku bixineyso in la qanciyo Axmed Madoobe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More