Shir ku saabsan xasilinta deegaanadii laga saaray Shabaab oo ka dhacay Muqdisho

Jul 27 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka isku dubarridka barnaamijka xasilinta.

Shirkan oo looga arrinsanayo horumaradii laga sameeyey barnaamijka xasilinta ee dawladdu hoggaamiso, kaas oo lagu gaarsiiyo adeegyada bulshada, maamul-dhiska, amniga iyo caddaaladda deegaannadii dhowaan la ga xoreeyey Khawaarijta.

Shirkan ayaa sida oo kale la gu falanqeynayaa u diyaar-garowga wejiga labaad ee hawlgallada dib-u-xoreynta ee ka socda qaybo ka mid ah dalka.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More