Shir looga hadlayo Maaliyadda dalka oo ka furmay Muqdisho
Aug 06 (Jowhar.com)-Wasiirka maaliyadda xukumadda federal ka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay kulankii 22-aad ee shirka wasiirada maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.
Shirkaan ayaa looga wadatashanayaa arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka maamulka maaliyadda dalka, qaybsiga kheyraadka iyo mideynta cashuuraha, taas oo muhiim u ah koboca dhaqaalaha Soomaaliya.
Wasiirka maaliyadda dowladda FS mudane Biixi Imaan Cige iyo wasiiru-dowlaha wasaaradda marwo Raaxo Maxamuud Janaqoow ayaa soo dhaweyn kadib furitaankii shirka waxa ay dhageysteen talooyinka wasiirada dowlad-goboleedyada, waxa ayna ka jawaabeen su’aalaha la xiriira horumarinta maaliyadda iyo wadashaqeynta guud.
Shirkan ay isagu yimaadeen wasiirada maaliyadda heer federal iyo heer dowlad goboleed ayaa la filayaa in berri la soo gabagabeeyo. Waxaa kulankan ka maqan oo aan ka soo qayb galin wasiirka maaliyadda Puntland oo ka mid ahaa wasiiradii lagu casuumay shirka.