Shirka aayo ka tashiga SSC oo ka furmay magaalada Laascaanood

Jan. 28 (Jowhar.com)-Shirweynaha Aayo-Katalinta gobaladda SSC ayaa goordhow ka furmay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Shirkan oo ay u dhan yihiin Isimada dhaqanka ee gobaladaas, waxaa diirada lagu saarayaa masiirka magaalada Laascaanood iyo sidii ciidamadda Somaliland ay isaga bixi lahaayeen magaaladan oo shacabka ay u sameysan lahaayeen maamul iyaga u gooniya

10-kii sano ee u dambeysay waa markii koowaad ee ay shirkan oo kale iskugu yimaadaan Isimadan oo mideysan, waxaana kulankan soo dadajiyay kacdoon mudo bil ah socday oo ay shacabka ku dalbanayeen iney isaga baxaan gobolka Sool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More