Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo aan weli lagu heshiin

Oct 03 (Jowhar)-Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa maanta warbixin looga dhagaystay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), isagoo faahfaahin ka bixiyay xaaladda guud ee geeddi-socodka dimuquraadiyeynta iyo qorshayaasha doorashooyinka soo socda.

Shirkan oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada, iyadoo diiradda lagu saaray arrimaha dimuqraadiyeynta iyo doorashooyinka dalka.
Afhayeenka Madaxweynaha XFS, Mudane Cabdiraxmaan Xudeyfi, oo la hadlay saxaafadda shirka kadib, ayaa xaqiijiyay in kulanka maanta uu ku soo dhammaaday jawi wanaagsan, isla markaana madaxda ay ku heshiiyeen in la sii wado kullamada shirka.

Waxaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed rasmi ah oo ku saabsan arrimaha dimuquraadiyeynta, doorashooyinka, iyo dadaallada socda ee dib-u-xoreynta dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More