Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Muqdisho iyo Deni oo ka maqan

Oct 02 (Jowhar)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoominaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada dalka oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka Soomaaliya.

Shirka waxaa diirada lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka, xal u helida khilaafka fowladda dhexe iyo maamulada qaar iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Saalax Axmed Jamac, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale)

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa ka maqan shirka oo wali waxaa taagan muranka kaa dhexeeya madaxtooyada Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More