Shirkada Ethiopian Airline oo aqbashay dalab kaga yimid Dowlada Soomaaliya

Aug 23(Jowhar)- Shirkadda diyaaradaha   Ethiopian Airline ayaa aqbashay in ay bedesho bogeeda tigidhada oo hore ugu qornaa Hargeysa kuna darto Somalia sida ay ka dalabtay dowlada Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay shirkadda Itoobiya soo dirtay ayay ku sheegtay in wakhti loogu daro si’ay arrintaas u hirgeliso balse Hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya ayaa diiday codsigaasi.

Agaasimaha waaxda warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha ee Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Rayidka Maxamed Cabdi ayaa  xaqiijiyay arrintan warbaahinta, waxana uu xusay in Shirkadda ay xiriir la soo sameysay wasaaradda iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ayna arrimahan ka wadahadleen.

Dhanka kale wasaaradda gaadiidka iyo hay’adda duulista rayidka Itoobiya ayaa sheegay in ay aqbaleen islamarkana saxeen codsi uga yimid dowladda Soomaaliya.

Duulimaadka magaalada Hargeysa oo markii hore mareegta Ethiopian Airlines, ku qornaa oo kali ah Hargeysa ayaa galabta loo bedelay Hargeysa, Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu eedeysay shirkadda in ay ku xadgudbayso qarannimada Soomalaaliya islamarkana ay tahay in ay saxdo khaladkaasi.
Hay’adda duulista rayidka Soomalaiya ayaa ku hanjabtay haddii shirkadda aysan aqbalin dalabkooda ay ka joojin doonaan hawada Soomaaliya.
Shirkada Ethiopian Airlines ayaa suuq weyn ku leh dalka Soomaaliya iyadoo toddobaad walba ay duulimaadyo ku tagto magaalada Muqdisho iyo Hargeysa iyo magaalooyin kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More