Shirkii golaha wadatashiga qaran oo ka furmay Magaalada Muqdisho.
Dec. 26 (Jowhar.com)-Shirka 4aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goordhow ka furmay Madaxtooyada, oo ay ka qeyb galayaan Madaxda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre, Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Maalinta koowaad ee shirka ayaa ah hordhac iyo is xog wareysi ay sameynayaan madaxda ka qeyb gakeysa fadhigga, iyadoo beri la filayo iney dhinacyada guda galaan qodobasa ugu xasaasisan.
Ajandaha shirkan oo horay loo sii shaaciyay ayaa ka mid ah dhameystirka dhismaha Garsoor Federaal Madax Bannaan Hufnaan leh, Asteynta awooddaha heerarka kala duwan iyo Dhameystirka nidaamka Federaalka oo ay ka mid tahay maqaamka Caasimadda Muqdisho, nidaamka qeybinta tirada xubnaha Aqalka Sare oo qorshuhu yahay in dib u eegis lagu sameeyo.