Shirweynihii Qurba Joogta oo lagu soo gabagabeeyay Doxa

Jul 24 ( Jowhar.com)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Amb. Axmed Macalin Fiqi, ayaa soo gabagabeeyay shirkii qurba-joogta Soomaaliyeed ee ka socday magaalada Doxa.
Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowladda Qatar, ayaa waxaa ka soo qeybgalay ku dhawaad ​​250 xubnood oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed iyo qurba-joogta, taasoo keentay in laga soo saaro talooyin wax ku ool ah.

Wasiir Axmed Fiqi oo gabagabadii kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyay dowladda Qatar sida wanaagsan ee ay u soo dhaweysay iyo sida ay u martigelisay.

Wuxuu tilmaamay xiriirka qotada dheer ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar, isagoo hoosta ka xariiqay qiimaha is-ixtiraamka, wadajirka iyo iskaashiga ee qeexaya wadashaqeyntooda.

“Labadayada qaran mar walba waa ay is garab taagnaayeen, waxaan xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay xoojinta xiriirkan,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa ugu baaqay maalgashadayaasha Qatar in ay diiradda saaraan qeybaha muhiimka ah ee Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay in maal-gashiga noocaan oo kale ah aysan ka dhalan doonin faa’iidooyin dhaqaale oo kaliya. balse sidoo kale ay xoojinayaan xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya shucuubta labada dal.

Isagoo la hadlayay qurba-joogta Soomaaliyeed, ayuu wasiir Fiqi ugu baaqay inay ka qeyb qaateen horumarka Soomaaliya.

“Waxaad tihiin qalbigii iyo naftii ummaddeenna, dadaalkiinnu waxa uu laf-dhabar u ahaa taageeridda qoysaska, bulshada, iyo guud ahaan horumarka dalkeenna, hadda, in ka badan sidii hore, Soomaaliya waxay u baahan tahay in aad si firfircoon uga qayb-qaataan dib-u-soo-nooleynta dhaqaalaheenna iyo kobcintiisa. “ayuu yiri.

Wasiirka ayaa ku booriyay qurbajoogta in ay ka faa’ideystaan ​​khibradahooda kala duwan, xirfadahooda iyo si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya, si loo helo mustaqbal rajo leh ee jiilka soo socda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More