Siciid Deni oo diiday ka qeyb galka shirka DFS iyo maamulada ee Baydhabo

Mar. 11 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa iska diiday ka qeyb galka shir ay magaalada Baydhabo ku yeelanayaan 15-ka bishan madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

Sida xogaha tilmaamayaan, Deni ayaa dhegaha ka fureyatay fariimo dhexdhexaadin ah oo kayimi dhanka wakiilada caalamiga ah, si uu shirkaasi u xaadiro oo uu tabashadiisa madasha ugu soo bandhigo.

24-kii bishii hore ee February ayay ahayd in la qabto shirkan, balse dib ayuu u dhacay, si Siciid Deni looga dabciyo go’aankiisa oo uu shirka u tago balse laguma guuleysan dadaaladii socday.

Ilo ku dhow Siciid Deni ayaa ku waramay in diidmadiisa uu sal uga dhigay khilaafka kala dhexeeya Jubaland iyo dowladda Soomaaliya oo xaadiraya shirka magaalada Baydhabo ka dhacaya maalinimada Arbacada ee todobaadkan.

Si kastaba, arrintan ayaa cirka sii galineysa mad-madowgii ka dhex jiray Puntland iyo dowladda dhexe, waxaana dhawaan Puntland ay shaacisay iney hakisay wadashaqeyntii dowladda oo ay u dhaqmeyso sidii dowlad madax banaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More