Siciid Deni oo Garoowe ku qaabilay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Sep 16 (Jowhar) Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabila Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mrs. Karin Johannson oo booqashadii u horeysay ku timi Puntland.

Kulan waxaa looga wada hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaanna horumarka ka socda Puntland ee dhinacyada Amniga, dimuqraadiyadda, mashaariicda iyo horumarinta,  kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Midowga Yurub iyo Puntland.

Waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Kulanka Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Daa’uud Maxamed Cumar (Daa’uud Bisinle), Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More