Siyaasiyiin waaweyn oo cambaareysay xariga Weriye Cali nuur Salaad

Jul 22 ( Jowhar.com)-Siyaasiyiin waaweyn oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed,Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa cambaareeyay xariga weriye Cali Nuur Salaad waxayna ku baaqeen in si deg-deg ah loo sii daayo.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa cambaareeyay xariga wariye Cali Nuur Salaad waxana uu ugu baaqey Dowladdu ay ixtiraamto xorriyadda hadalka, si degdeg ahna usoo dayso wariye Cali Nuur Salaad.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa u qornaa sidan;
“Waxaan si adag ah u cambaareynayaa xarigga wariye Cali Nuur Salaad, oo ah suxufi madax bannaan oo u adeega Shacabka Soomaaliyeed, kana hadla dhacdooyinka maalinlaha ah ee ka dhaca gudaha dalka.

Caburinta saxaafaddu waxay kasoo horjeeddaa Dastuurka Dalka iyo xeerarka caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha.
Xariggaan wuxuu caddeynayaa sida nidaamka hadda jira ee uga go’an tahay in la aamusiiyo warbaahinta madaxa bannaan, lana cabsi geliyo suxufiyiinta si ay dadka looga daboolo xaqiiqooyinka dhabta ah ee dalka ka dhacaaya sida musuqmaasuqa iyo ku takrifalka awoodda dowladda.

Waxaan ugu baaqeyaa in Dowladdu ay ixtiraamto xorriyadda hadalka, si degdeg ahna usoo dayso wariye Cali Nuur Salaad.”

Raiisul wasaarihii hore xasan cali kheyre oo kahadlay xariga wariye cali nuur ayaa yiri :
Waxaan cod dheer ku cambaareynayaa xarigga sharcidarrada ah ee lagula kacay wariye Cali-Nuur Salaad Xasan. Xarigga Cali-Nuur waa isku-day lagu caburinayo saxaafadda madaxabannaan, laguna aamusinayo runta, xaqiiqada, iyo dareenka muwaadinka xorta ah.

Xurriyadda hadalku waa xaq dastuuri ah, saxaafadduna waxa ay kaalin toosin ah ka qaadataa hayaanka dowlad-dhiska iyo dhaqangelinta dimuqraadiyadda. Xarigga wariyayaashuna waxa uu dhaawac ku yahay dowladnimada, waana dariiq khaldan oo loo leexiyay dowladnimada Dalka.

Cali-Nuur Salaad oo soo noqday Madaxa Warbaahinta ee Xafiiskeyga xilligii aan ahaa Ra’iisul Wasaaraha Dalka, waxaan ku aqaannaa in uu yahay wariye xirfad sare leh, akhlaaq badan, aqoon iyo faham durugsan u leh warbaahinta, lexjeclo badanna ay ka hayso dalka iyo dowladnimada. Waxaana ka xumahay in uu caawa dalkiisa hooyo maxbuus ugu yahay dowlad Soomaaliyeed.

Waxaan madaxda qaranka ugu baaqayaa in si degdeg ah xurriyaddiisa loogu celiyo Wariye Cali-Nuur Salaad, lagana waantoobo in uu soo laabto falkan gurracan ee lagu caburinayo saxaafadda madaxabannaan.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay xariga Cali Nuur Salaad ayaa bartiisa ku qoray sidan;

Waxaan si adag u cambaareynayaa xarigga loo geystay wariye Cali Nuur Salaad, kaasoo xad-gudub ku ah xaqa dastuuriga ah ee muwaadinka iyo mabaadi’da xoriyatul qawlka.

Suxufigu door muhiim ah ayuu ku leeyahay soo bandhigga xogta, xoojinta hufnaanta, iyo la xisaabtanka kuwa xilalka haya. Xarig kasta ama caburrin kasta oo lagula kaco suxufiga waxay ka dhigan tahay in lagu tumanayo dastuurka, laguna xadgudbayo xorriyada muwaadinka, lana diidanyahay isla xisaabtanka.

Waa lama huraan in Xukuumaddu ilaaliso xuquuqda suxufiga, si ay ugu sahlanaato u gudashada waajibkiisa, iyaga oo aan ka baqayn cadaadis iyo caga juglayn.

Sidaa darteed, waxaan ku baaqayaa in si deg deg ah loo sii daayo Cali Nuur Salaad, xoriyadiisana dib loogu soo celiyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More