Somaliland oo beesha caalamka u gubisay wal walkeeda weerar uga yimaada Puntland

Mar. 03 (Jowhar.com)-Wasaarada Gaashaandhigga Somaliland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa muujisay cabasho ku aadan weerar dagaal oo uga soo fool leh dhanka ciidamadda Puntland.

Qoraalka wasaarada waxaa lagu sheegay in ciidamadda sida gaarka ah u tababaran Puntland ee kala ah PSF iyo PMPF ay wadaan duulaan ay ku ekeeyaan xerooyinka ciidanka Somaliland ay ku leeyihiin gobolka Sool.

Somaliland waxay beesha caalamka ka codsatay in ay cambaareeyaan waxay ku tilmaantay gardaro, isla markaana ay taageerto xaqa ay Somaliland u leedahay in ay is difaacdo, ayaa lagu yiri warbixinta

“Wasaarada gaashaandhigu waxay rabtaa in ay ku wargaliso beesha caalamka, dowladaha gobolka iyo Qaramada Midoobay, in xogo sirdoon oo lagu kalsoonyahay oo aanu helnay ay muujinayaan in ciidamada Puntland ee PSF iyo PMPF ay qorshaynayaan in ay soo weeraraan ciidanka qaranka”. ayaa lagu yiri qoraalka.

Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay iney dadka Laascaanood kula dagaalamayaan ay ku jiraan ciidanka Punand, lama ogase waxa keenay walaacan cusub ee xukuumadda Muuse Biixi soo saartay ee ay uga cabaneyso duulaan uga yimaada dhanka Puntland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More