Somaliland oo Mareykanka u gudbisay codsi ka dhan ah safarka Xamze ee Laascaanood
Apr 09(Jowhar)Xukumadda Somaliland ayaa sheegtay in Mareykanka uu ka aqbalay dalab ay hordhigeen oo ahaa in la baajiyo safarka uu ra’iisul wasaare Xamze ku tagayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegay in Maraykanka ay ka wada hadleen in aanu magaalada Laascaanood iman Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, isagoona sheegay in ay arrinta uu Maraykanku joojin doono.
“Dawlada Maraykanku waxay nala qaadatay in degdeg loo joojiyo oo aanu Raysal Wasaare Xamse iman karin Laascaanood” Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Cabdiraxmaan Aadan Bakaal, ayaa sidaas sheegay oo isagu haatan ku sugan Dalka Maraykanka.
Ra’iisul wasaare Xamze ayaa todobaadkan xarunta wasaarada Gaashaandhigga ka sheegay inuu tagayo Laascaanood, taasoo ay dhibsadeen xubnaha kasoo jeeda Somaliland iyo Punand ee labada Aqal ee baarlamaanka kujiro.