Somaliland oo shaacisay iney gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan NISA oo dil qorsheynayay

Jul 30 (Jowhar.com)-Sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa sheegtay in ay gacanta ku soo dhigtay laba xubnood oo ka tirsan Haayadda Sirdoonka Soomaaliya  ee NISA.

Xubnahan ayaa lagu eedeyey in ay qorshanayeen dilal ay ka geystaan Magaalada Boorama ee xaruunta Gobolka Awdal sida lagu baahiyey Telefishanka ku hadla afka maamulka Somaliland.

Haayadda ayaa sidoo kale tibaaxday in ay ku raad joogto 6 xubnood oo kale kuwaas oo ay sheegtay in laga soo diro Magaalada Muqdisho.

Somaliland ma aysan soo bandhigin magacyada iyo sawirrada xubnahan ay qabatay.

Majirto wali wax jawaab ah oo ay arrintan ka bixisay Sirdoonka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More