Somaliland oo wafdi sare u dirtay Wajaale si ay ula kulmaan madax ka socota Itoobiya

Dec 26  ( Jowhar)Wafti isugu jira Wasirro iyo Taliyayaasha Ciidamada Somaliland ayaa saaka u ambabaxay magaalada Xuduudka ku taalla ee Wajaale.

Sida wararku tilmaamayaan, xubnahan ayaa halkaasi kula kulmi doonaan Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dawladda Itoobiya, iyagoo kala hadlaya Dagaalkii shalay ka dhacay Dacawaley.

Waftiga xukuumadda Somaliland waxaa kamid ah; Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Amniga Gudaha, Taliyaha Ciidamada Milatariga iyo Booliska.

Xaaladda deegaanadui shalay dagaalka ka dhacay ayaa dagan, iyadoo cuidanka dowlad deegaanka lagu eedeeyay iney xasuuq ba’an ka geysteen deegaanka Dacawaleey oo ah halka dirirtii shalay ay ka dhacday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More