Somaliland oo walaac xooggan ka muujisay hubka u gacan galay shacabka
jul 17(Jowhar.com)-Somaliland ayaa war ka soo saartay hubkii gacanta u galay malleeshiyaad iyo dad shacab ah oo ku sugan deegaanada Galmudug kaas oo la sheegay inuu ka soo tallaabay xadka dowlad deegaanka Soomaalida.
War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland oo afka ingriiska ku qornaa ayaa lagu sheegay in Somaliland ay welwel xooggan ka muujinayso hubkaas.
“Dhacdadii dhawaan ka dhacday magaalada Caabudwaaq oo dad rayid ah iyo maleeshiyo beeleed ay ku qabsadeen hub iyo saanado kale oo badan…waxay sii muujineysaa xaalada adag ee dhanka ammaanka ka taagan,” ayaa lagu yiri warka.
Sidoo kale wasaaradda ayaa tiri: “Somaliland, ayaa walaac xooggan ka muujisay khalkhalka uu sababayo hubka faraha badan ee ku dhex faagsan Soomaaliya, sida aan ka arki karno dhacdooyinkii u dambeeyay”.
Somaliland ayaa intaa ku dartay in horreyba ay u qabeen walaac ah in lagu deg degay in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka ee saarnayd.
“Arrimahani waxay xasuusin dhab ah u noqonayaan walaaca xukuumadda Somaliland iyo dawladaha kale ee safka hore ka qabaan in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya. In kasta oo aan digniino adag bixinay, haddana cunaqabataynta ayaa la qaaday bishii Diseembar 2023”.
Somaliland ayaa walaaca ku sheegtay in hubkan oo ay dawladda Soomaaliya ku tilmaantay mid sharci darro ah uu su’aal galinayo in waqtigii saxda ahaa la qaaday cunaqabateynta iyo inkale.