Somaliland oo warbaahinta madaxa banaan dul dhigtay amar la xiriira Laascaanood
Jan. 30 (Jowhar.com)-Wasaarada Warfaafinta Somaliland ayaa amar culus dul dhigtay warbaahinta madaxa banaan ee ka howlgasha deegaanadeeda, iyadoo amarkan uu taabanayo sida loo tabinayo xaaladaha ka taagan magaalada Laascaanood.
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada warfaafinta ayaa wariyayaasha lagu faray iney joojiyaan tabinta warar, warbixino iyo ra’yi ururin keeni kara in xaalada Laascaanood kasii darto.
“Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Jamhuuriyada Somaliland, waxay uga digaysa dhamaan warbaahinta noocyadeeda kala duwan, iyo wariyayaasha ka howlgala gudaha Somaliland in ay baahiyaan warar, warbixino iyo ra’yi ururin dab kusii hurin karta xaalada ka taagan Laascaanood” ayaa lagu yiri qoraalka.
Somaliland ayaa ka carootay sida warbaahinta ka howlgasha deegaanadeeda ay u tabineyso xaaladda Laascaanood oo sanado dheer kadib laga taagay calanka Jamhuuriyada Somaliland, iyadoo hore cidii calankaasi lagu arko ay xabsi iyo jirdil la kulmi jirtay.
Laascaanood waxaa maalinkii saddexaad galay shirka aaya katashiga gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, iyadoo war-murtiyeedka laga soo saarayo loo badinayo iney ku dalabdaan in Somaliland deegaanadeeda isaga baxdo ayna taageeraan mowaifka Soomaali weyn.