Somaliland oo weerar culus ku qaaday Laascaanood, xili shirka Isimada SSC maanta la soo xirayo

Feb. 06 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in Iska-hor-imaad la isku adeegsanayo hub culus uu ka socdo magaalada Laascaanood, Ciidamadda Somaliland ayaa la sheegay in ay weerareen xarunta gobolka Sool.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa tilmaamaya in Fariisin ay sameysteen dadka deegaanka ee iskood isku—abaabulay ay soo weerareen ciidamadda Somaliland oo maalmahanba is uruursi ka waday banaanka magaalada.

Illaa hadda lama ogga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, iyadoo dadka deegaanka ay soo warinayaan in hub cul culus ay Somaliland u adeegsaneyso xaafadaha shacabka.

Si kastaba, duulaanka ayaa imaanaya xilli la filayey in maanta la shaaciyo go’aanada shirka aayo-ka-tashiga gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ee maalmihii la soo dhaafay uga socday madax dhaqameedyada SSC.

Somaliland oo heshay go’aanada shirka oo nidamakooda Hargeysa kasoo horjeeda ayaa duulaankan u qaaday in xasarad hor leh laga abuuro magaalada, lama oga waxa isbedeli doono saacadaha soo socda, xili reer Laascaanood ay filayeen duulaankan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More