Soomaali dil iyo dhaawac loogu geystay dalka Jarmalka iyagoo saaran Tareen
July. 11 (Jowhar.com)-Magaalada Dresden oo ku taala barriga dalka Jarmarlka waxa tareen dhexdiisa lagu diley wiil Soomaaliyeed, halka mid kalena uu dhaawac gaaray.
Weerearkan waxaa ku eedeysan, sida booliisku sheegeen, wiil kale oo Soomaali ah.
Booliiska magaaladaasi ayaa xaqiijiyey in wiilkan uu u dhintey dhaawac toorey ah oo qoorta iyo meel kale ka gaaray. Wiilka la dilay ayaa magaciisa la oran jirey Maxamed Cabdiraxmaan Faarax, oo ku magac dheeraa Eryato.
Lama shaacin ilaa hada sababta ku kaliftau wiilka Soomaaliga ah inuu dil iyo dhaawac u geysto labadan dhalinyarada ah ee ay isku dhalashada yihiin, booliska waxey sheegeen in natiijada baaritaanadooda ay soo badhigi doonaan.
Si kastaba, Soomaalida ku nool dalka Jarmalka ayaa si aad ah u hadal haya dhacdadan, waxaana lasoo deristay cabsida dilalka dhalinyarada loo geysanayo oo mudooyinkan sii badanaya.