Soomaalida Musambiig oo cabsi wejahaya kaddib rabshadaha dalkaas ka socda

Dec 25  ( Jowhar) Soomaalida ku nool dalka Musambiiq ayaa waxaa soo foodsaartay cabsi la xiriirta bedqabka naftooda iyo maalkooda, ka dib markii ay dalkaas ku faafeen rabshado ay dhigayaan taageereyaasha mucaaradka.

Ugu yaraan 21 qof ayaa lagu dilay rabshado ka dhacay Mozambique tan iyo markii maxkamadda ugu sarreysa dalkaasi ay xaqiijisay guusha xisbiga talada haya ee Frelimo ee doorashooyin lagu muransan yahay, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha.

Dadka dhintay waxaa ku jira ugu yaraan laba sarkaal oo boolis ah, sida uu wasiirka arrimaha gudaha, Pascoal Ronda, ka sheegay shir jaraa’id Talaadadii.

Bannaanbaxyada ayaa billowday kadib markii Golaha Dastuuriga uu xaqiijiyay guusha xisbiga talada haya ee Frelimo. Dibadbaxayaasha iyo kooxaha mucaaradka ah ayaa ku andacoonaya in doorashadii 9-kii Oktoobar la musuqmaasuqay.

Hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka Mozambique, Venâncio Mondlane, ayaa ku dhawaaqay inuu isagu isku magacaabi doono madaxweyne 15-ka Janaayo, kaddib markii uu diiday guuldarradiisa doorashooyinka madaxtinnimada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More