Soomaaliya iyo Itoobiya oo markale wadahadal ku saabsan xiisadda Badda ku yeelanaya Ankara

Sep 08 (Jowhar) dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa 17ka bishan markale isku arkaya magaalada Ankara ee dalka Tirkiga, iyagoo ka wada hadlaya damaca Itoobiya ee Baadigoobka biyo aysan xaq u laheyn.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee labada dal ayaa tagaya Ankara, halkaasoo ay kulamo hordhac ah qaadanayaan, kuwaasoo gogol xaar u ah wadahadalkan oo aan la fileyn iney fool ka fool noqdaan.

Sadex Is arag oo ka dhacay Nairobi & Ankara ayaa fashilmay oo aan waxba kasoo bixin, waxaana kulankan uu yahay midkii u dambeeyey haddii aan la heshiin waxay ka dhignaanaysaa kala tag baaxad weyn.

Xiisadda labada dal ayaa marba marka ka danbeysa cirka sii galeysa, waxaana cabdi laga qabaa iney saameyso gobolka oo dhan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More