Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiis muhiim ah
Jan 23 (Jowhar)-Soomaaliya iyo Masar ayaa kala saxiixday heshiisyo Muhiim ah oo mid ka mid ah ay kala saxiixdeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Abdelfatah Al Sisi.
Heshiiska ayaa ka mid ahaa in xiriirka labada dal la gaarsiiyo heer iskaashi istaraatijiyadeed oo ka tarjumaya xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sidii loo kobcin lahaa dhinacyada waxbarashada, garsoorka, siyaasadda, amniga, isu-socodka iyo dhaqaalaha, iyadoo Jaamacadaha Masar, gaar ah Jaamacada Al Azhar ay kordhineyso deeqaha waxbarasho.
Sidoo kale Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan in dal-ku-galka laga dhaafo Baasaboorka Diblomaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo iskaashiga dhanka tababarada Diblomaasiyadda
Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah kii 4aad oo uu Masar ku tago, iyadoo sanadkii hore kaliya uu labo jeer tagay, intii ay jirtay xiisaddii diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Soomaaliya.