Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay shaqo abuurka iyo xirfad siinta dhalinyarada

Sep 19 (Jowhar.com)- Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFD, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa kulan la yeeshay Safiirka Dawladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Safiir Dr. Abdolla salem alnuaimi.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha la xiriira shaqo abuurka iyo xirfad siinta bulshada, kor u qaadista wada shaqeynta iyo iskaashiga, iyo mashariicda ay isla wadaan Wasaaradda iyo Dawladda Qatar.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Safiirka uga xog-waramay dedaalada ay Wasaaraddu ka wado kor u qaadista shaqo abuurka iyo horumarinta barashada xirfadaha  bulshada gaar ahaan dhallinyarada.

Safiirka ayaa isaguna dhankiisa xusay in xiriirka labada Dal uu yahay mid soo jireen ah oo u baahan in la sii xoojiyo.

Ugu danbayntii Wasiirka ayaa uga mahad naqay Safiirka soo dhaweynta quruxda badan sido kalena ballan qaaday xoojinta xiriirka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More