Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay xaalada Soomaali dil ku xukuman oo ku xiran Najran
Feb 24(Jowhar)-Wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo Dastuurka dowladda Federalka Soomaaliya Xasan Macalin ayaa kulan la qaatay danjiraha boqortooyada Sucuudiga Axmed Bin Maxamed Al-muwalad, kaas oo looga hadlay xaaladihi u dambeeyay ee mawaadininta Soomaliyeed ee xukunada dilka ah ay ku xukumeen garsoorka Sucuudigu.
Wasiir Xasan macallin ayaa u gudbiyay safsafiirka Sucudiga walaaca ay ka qabaan in tiro intaas la’eg oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah in lagu xukumo dil, isaga oo sidoo kale u sheegay safiirka rabitaanka dowladda Soomaaliya in xaaladaha sharci ee muwaadinintaas inay kala hadlaan dowladda Sucuudiga, si looga wada hadlo suuraglnimada in wasaaradaha cadaaladda Suucudiga iyo Soomaaaliya in ay kala saxiixdaan heshiisyo dhanka iskaashiga garsoorka oo lagu xaliyo xaaldaha noocaan oo kale, sida in laga shaqeeyo is dhaafsiga eedeysanayaasha iyo xukun sugayaasha labada dhinac.
Safiirka dowlada Sucuudiga mudane Al-muwalad ayaa uga mahad celiyay wasiirka cadaalada soo dhawayntiisa, isaga oo muujiyay sida uu uga xun yahay xaaladaha soo cusboonaday, sidookalena carabka ku adkeeyey sida ay dowaladiisa ay uga go’antahay in dowalda Soomaaliya gaar ahaan hay’aha cadaaladda ay kala shaqeeyan sidii iskaashi looga samayn lahaa dhinaca cadaaladda.
Ugu dambeyntii wasiirka ayaa uga mahadceliyay safiirka iyo dowlada sucuudiga wada shaqeynta iyo xiriirka dhow ee diblomaasiyadeed.
Illaa 44 Muwaadiniin Soomaali ah oo ah dhalinyaro ayaa ku xiran xabsi ku yaal magaalada Najraan kuwaasoo ku xukuman dil kadib markii lagu helay maandooriye mamnuuc ka ah dalka Sacuudi Carabiya.
Mid ka mid ahaa dadkan dil sugayaasha ah oo la oran jirey Maxamed Nuur Xuseen kana soo jeeda gobolka banaadir ayaa dil toogasho ah toddobaadkii hore lagu fuliyay.
Qoysaska dadkaas dil sugayaasha ah ayaa ka codsaday dowlada federalka ah inay soo farogeliso xaalada carruurtooda ayna badbaadiso.