Soomaaliya oo caddeysay mowqifkeeda la xiriira isbedelkii ka dhacay Suuriya

Jan 05 ( Jowhar) Dowladda Soomaaliya ayaa billowday tillaabooyin lagu xoojinayo xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeya Suuriya kaddib markii la riday dowladdii Asad 8-da bishii December 2024-kii.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo wareysi siiyay Aljazeera ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay kor u qaadidda kxiriirkan, waxa uuna carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay maamulka cusub ee Siiriya.

“Waxaan warqad u dirnay wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Suuriya, waxaana rajeyneynaa inaan dhowaan kulanno, isbedellada ka socda Suuriya waxay fursad u tahay malaayiin Suuriyaan ah oo barakacayaal ah inay dib ugu laabtaan oo ay ku noolaadaan xorriyad iyo amni.” Ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Qaxootiga Suuriyaanka ah ee ku sugan Soomaaliya ayaa si taxadar leh u muujiyay rajo ah in mustaqbal ammaan ah uu ka helo dalkooda hooyo. Qaar badan ayaa masaafuris ugu nool Afrika, Bariga Dhexe, iyo Yurub tan iyo markii uu bilowday dagaalka sokeeye ee Suuriya toban sano ka hor.

Waxa uu soo hadal qaaday wasiir Fiqi xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya ay la leedahay dalka Suuriya, isagoo xusay in uu yahay dalka kaliya ee Carbeed ee aqoonsaday Baasaboorka Soomaaliga kadib markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-ki.

“Safaaradda Soomaaliya ee Dimishiq waligeed ma xirmin xitaa xilliyo adag, waxaan qorsheynayaa in aan dhawaan booqdo Dimishiq. “ayuu ku daray hadalkiisa Fiqi.

Burburka Nidaamka Asad waxa uu soo afjaray in ka badan 50 sano oo xukun qoys, ka dib weerar degdeg ah oo fallaagada ay ku qabsadeen dhulalka ay dowladdu gacanta ku haysay, waxayna ku galeen Dimishiq toban maalmood gudahood.

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu ka fogaanayo ku lug lahaanshaha talaabo milateri ee Suuriya, halka lataliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Joe Biden uu xaqiijiyay inaanu jirin wax qorshe ah oo faragelin ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More