Soomaaliya oo ka baxday liiska dowladaha Qaaraanka Q.Midoobe lagu leeyahay

Feb 24(Jowhar)Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horreysay muddo 35 sano kaddib ka baxday liiska dowldaha qaaraanka lagu leeyahay ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Soomaaliya oo sanadkan ka mid ah xubnaha Golaha Ammaanka ee aan joogtada aheyn ayaa waxay si buuxda u xajisatay xubinnimadeeda, kana baxday liiskii dalalka lagu lahaa Qaaraanka.

Sida uu dhigayo Axdiga Qaramada Midoobay Xubin ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu leeyahay Qaaraanka Golaha wax cod ah kuma yeelan karo kulamada loo dhan yahay ee Golaha Guud

Qoraalka ka soo baxay Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa lagu shaaciyay liiska dalalka Qaaraanka lagu leeyahay oo ah illaa sagaal dal ah oo aan Soomaaliya ku jirin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More