Soomaaliya oo la wareegtay xilka Guddoomiyaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee EASF

Dec 21  ( Jowhar)Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda Rwanda kala wareegtay Hoggaanka Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika (EASF) oo ah urur goboleed uu waajibaadkiisu yahay kor u qaadista nabadda iyo ammaanka gobolka Bariga Afrika, kana mid ah shanta ciidan goboleed ee ciidamada heeganka ah ee Afrika (EASF) oo ka kooban militari, boolis iyo qaybo rayid ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhiggiisa dalka Rwanda mudane Juvenal Marizamunda kala wareegay xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga ee Gobolka Bariga Afrika, intii uu socday shirka sanadlaha ee 33-aad ee dejinta Siyaasadaha EASF oo ay iskugu yimaadeen Madaxda dalalka EASF oo ka dhacay Magaalada Kigali ee Dalka Rwanda.

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay guddoominaysa Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee EASF, iyadoo ay kasoo wareegtay 20 sano markii la aasaasay ururkan.

Wasiirka Gaashaandhigga JFS Cabdulqaadir Maxamed ayaa u mahadceliyey gudoomiyaha uu xilka kala wareegay, wuxuuna ballan qaaday in Soomaaliya ka go’an tahay wada shaqaynta dhammaan dawladaha xubnaha ka ah EASF. Wuxuuna Wasiirku casuumaad u fidiyey in kalfadhiga kan xiga ay Soomaaliya marti gelin doonto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More