Soomaaliya oo u tartamaysa Kursiga Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika

Jan 09 (Jowhar)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday musharaxnimadeeda ku biiridda Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika, muddo xileedka 2025–2028.

Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaantay in guulaha ay gaartay sida dib-u-habeynta deymaha, ku biiridda Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyo doorashadeeda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (2025–2026) ay caddeyn u tahay horumarkeeda iyo doorka ay ka ciyaareyso horumarinta ajendayaasha gobolka iyo qaaradda.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegya in musharaxnimada Dowladda Federaalka ay ku saleysan tahay dhowr arrimood oo muhiim ah:

Soomaaliya weli ma aysan ka mid noqon Golaha Nabadda iyo Ammaanka tan iyo markii la aas aasay 2004, taas oo ka dhigaysa musharaxnimadan mid u taagan sinnaanta iyo ka qeybgalka.

Maadaama ay tahay xubin ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Soomaaliya waxay leedahay fursad gaar ah oo ay ku hormariso mudnaanta Afrika ee heer caalami.

Soomaaliya waxa ay sidoo kale leedahay taariikh facweyn oo ku saabsan taageeridda halgamadii xornimada, la dagaallanka midab-takoorka, iyo difaaca madax-bannaanida waddamada Afrika.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in DF ay ka shaqeyn doonto:

In ay horumariso howlaha nabad ilaalinta ee Midowga Afrika iyada oo ka faa’iideysanaysa casharradii ay ka baratay waaya-aragnimadeeda gaarka ah.

In ay wax ka qabato sababaha asaasiga ah ee keenaya khilaafaadka si loo abuuro nabad waarta oo qaaradda ka hana qaada.

Iyo In ay dhaqaajiso xoojinta awoodda lagu maaraynayo xaaladaha degdegga ah ee ka yimaada khilaafaadka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More