Su’aalo ka dhashay Gogosha Wadatashiga ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku dhawaaqay
Apr 01(Jowhar)-Inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran, haddana falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa arrintaas u arka jawaab lala soo daahay oo ka dhalatay cadaadis isa soo tarayay oo Villa Somalia kaga imaanayay mucaaradka gudaha laakiin ugu dambeyntii ay beesha caalamku ka foolisay.
Maalmo ka hor ku dhawaaqista gogoshaas, safiirrada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa si toos ah Madaxweynaha ugu cadaadiyey iyaga oo sidoo kale hore ugu soo dhiibay qaar ka mid ah saaxiibadiis farriintaas ah inuu furo saaxadda siyaasadda, iyo inuu la yimaado hannaan doorasho oo loo dhan yahay, isla markaana uu billaabo wadahadal dhab ah oo uu la yeesho madaxda Dowlad Goboleedyada maqan ee Puntland iyo Jubbaland
Xeeldheerayaasha falanqeeeya siyaasadda ayaa tilmaamaya in dowladda Federaalku aysan weli caddeynin arrimo muhiim ah sida: Dastuurka lagu dhaqmayo waa kee? Sidee loo qabanayaa doorashooyinka soo socda 2026 iyo dhammaan arrimaha la xiriira kala-guurka 2026, cidda hagi doonta wadahadalka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada? iyo istaraatiijiyad noocee ah ayaa lagu wajahayaa dagaalka looga soo horjeedo Argagixisada.
Waxaa kale oo jirta su’aal kale oo siyaasiyiinta qaarkood ku dhalisay walaac taas oo ah yaa ka qaybgelaya gogoshan? Ma waxaa ka soo qaybgelaya gogosha dhammaan dadkii xilalka sare ka soo qabtay Heer Federaal, mise waxaa looga soo qaybgelayaa sida loo kala qaylo iyo buuq badan yahay? Jawaabta su’aashan waxaa muuqata in Villa Somalia iyo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ay go’aamin doonaan cida ajendeyaasha gogosha saameynta ku leh oo aan ka qaybgalkooda looga maarmin gogosha.
Maadaama aan su’aalahaas dhan ilaa hada loo helin jawaabo cad oo qayaxan, waxaa jirta cabsi ah in gogosha lagu dhawaaqay ay u muuqato mid Villa Somalia ku raadinayso waqti siyaasadeed, halkii ay ka noqon lahayd qorshe dhab ah oo lagu gaari karo dib u heshiisiin siyasadeed iyo ajande qaran oo Argagixisada AS/Daa1sh looga hortago.