Sucuudiga oo xukun dil ah ku fulisay muwaadin Soomaaliyeed
Feb 15(Jowhar)Dowladda Sacuudiga ayaa maanta qisaastay nin Soomaali ah, ka dib markii lagu helay in dalka Sacuudiga uu soo galiyay mukhaadaraad.
Ninkan Soomaaliga ah ee dilka qisaasta ah lagu fuliyay ayaa ka mid ahaa 45 maxaabiis Soomaali ah oo dawladda Sucuudigu ay hore ugu xukuntay dil toogasho, ka dib markii lagu helay in ay waddanka Sucuudiga soo galiyeen Mukhaadaraad.
Siddaasi waxaa sheegay Safiirka Soomaaliya Aways Xaaji Yuusuf, waxa uu wareysi laga qaaday ku sheegay in ay fajacku noqotay arrinta dilka qisaasta ah ee maanta ay fulisay dawladda Sucuudigu, waxaannu sheegay in ay 44-ka maxaabiis ee hadhay ay dawladda Sucuudiga kala hadli doonnaan siddii ay u soo bad-baadin lahaayeen.