Suldaan Qorane oo Muqdisho ugaga dhawaaqay Xisbi siyaasadeed cusub
Apr 19 (Jowhar) Xisbiga Gobonnimo oo uu hoggaamiye Suldaan Abdulqani Qorane ayaa looga dhawaaqay magaalada Muqdisho maanta oo tahay 19 April 2025.
Hadal uu ka jeediyay madashii uu xisbigan ugaga dhawaaqayay ayuu ku sheegay in xaaladda dalka ay meel khatar ah mareyso marba hadii kooxda Shabaab ay bartilmaameedsaneyso madaxweynihii dalka.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in qaar kamid ah shaqaalaha oo aragtida xisbigiisa la dhacsanaa ay xaflada ugaga baaqdeen cabsi ay ka qabaan in shaqada laga joojiyo.
Suldaan Qorane oo hore looga bartay dagaalka fikirka ee ka dhanka Al Shabaab iyo Daacish ayaa haatan u weecday dhanka siyaasadda, wuxuuna ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay gabtay masuuliyaddii ka saarnyd sugidda amniga dalka.
Waxa uu nowonayaa syaasigii ugu horeeyay ee kasoo jeeda Puntland ee ku dhawaaqa inuu yahay musharax madaxweyne DFS 2026 kadib markii xalay uu iba-furay Ololihiisa doorashada.
Waxa uu sidoo kale noqonayaa Sheekhii labaad ee siyaasada u digarogta iyaddoo horey musharaximadiisa uu u shaaciyay Sheekh Shaakir oo hoggaminaya Ahlusunah Waljaamaca Soomaaliya.