Taliyaha AFRICOM oo ka degay Kismaayo, lana kulmay Axmed Madoobe

Jun. 14 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee AFRICOM General Michael E. Langley oo booqasho ku tagay Jubaland.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen Sarakiisha Howlgalka AFRICOM, ATMIS, Sarakiisha Hay’adaha amniga Jubaland iyo Ciidamada xooga dalka oo uu Gudoomiyay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa lagaga hadlay xaalada guud ee Amniga iyo bilowga wajiga labaad ee howlgalka dalka lagaga xoraynayo kooxaha Argagixisada ah.

Taliyahaha ciidamada Maraykanka ee AFRICOM General Michael E. Langley ayaa balan-qaaday inuu Jubaland ka taageerayo arrimaha amaanka iyo ciribtirka kooxda Al-Shabaab, wuxuuna amaanay sida Jubaland ay ugu diyaarsan qaadusta guluf ka dhan ah Shabaab.

Madaxweynaha maamulka Jubaland ayaa dhinaca kale saraakiisba ATMIS iyo kuwa Soomaalida faray iney u diyaar garoobaan sidii Shabaab looga ciribtiri lahaa gobolka Jubada dhexe oo dhamaantiis ay maamusho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More