Taliyaha ciidanka booliska oo Isbitaalka Madiino ku boqoday askari ay dhaawac u geysteen xildhibaano
Nov 27 ( Jowhar)Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Diyaano ayaa Isbitaalka Madiina ku booqday askari ka tirsan Ciidanka Booliska oo maanta dhib ka soo gaaray gacan qaad ay u geysteen qaar ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka.
War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska ayaa si adag lagu cambaareeyay falkaas gacan ka hadalka ah:
Waa arrin aad loola yaabo in xubno sharci-dejiye ah oo metelaya shacabku ay ku kacaan fal noocan ah, oo dhaawacaya sharafta hay’adaha ammaanka iyo ilaalinta sharciga,
Taliska Boliiska Soomaaliyeed wuxuu bogaadin iyo dhiirigelin u dirayaa askarta muujisay dulqaad, bisayl, iyo xirfad ay ku maareeyeen xaaladda, iyagoo ka fogaaday falcelin ka baxsan anshaxa shaqadooda.
Falkaan xadgudubka ah waxa si rasmi ah loogu gudbin doonaa Guddiga Anshaxa ee Baarlamaanka iyo Xeer Ilaalinta Qaranka si tallaabo sharci ah looga qaado cid kasta oo ku lug lahayd.