Taliyaha ciidanka Booliska oo xalay kormeer ku sameeyay baraha ciidan ee magaalada Muqdisho
Mar 17 (Jowhar)-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer habeenimo ku maray baraha koontorool ee laga sugo amniga caasimadda Muqdisho, saldhigyada booliska iyo goobaha dadweynuhu isugu yimaadaan oo ay ku jiraan kuwa ganacsiyada ee magaalada Muqdisho.
Kormeerka shaqo ee Taliyaha ayaa salka ku hayey u kuur galidda xaaladda shaqo ee Ciidanka Boliiska, xili maalmagab ay isa sio tareysay cabsida laga qabo weerark ay kooxaha argagixisada ah ka geystaan caasimadda.
Jeneraal Asad ayaa bulshada uu la kulmay ee ku sugnaa baraha hubinta iyo goobahooda ganacsi ee habeenkii xiliga dambe shaqeeya ka waraystay xaaladooda amaan, isagoo ka codsaday in Ciidanka ay la shaqeeyaan.