Taliyaha ciidanka Haramcad Gaashaanle Fanax oo soo dhaweeyay magacaabista taliye Sulub

Jan. 26 (Jowhar.com)-Taliyaha Ciidanka Booliska Gaarka Ah Ee Haramcad Gashaale Cabdi Xamiid (Fanax) ayaa Hambalyo u diray Taliyaha cusub ee ee Ciidanka Boliiska Soomaliyeed Sareeya Guuto General Sulub Axmed Firin oo Gollaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya isku raaceen in uu noqdo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliye fanax ayaa Alle ugu baryay inuu u fududeeyo Masuuliyadda culus ee loo igmaday Taliye Sulub, iyadoona Taliye fanax uu balan qaaday in Taliska ciidanka Haramcad uu si buuxda ula shaqeyn doono Taliyaha Cusub si loo wada guto waajibkaadka Qaran ee Dastuuriga ah ee u adeegida Shacabka Soomaaliyeed.

General Sulub ayaa horay shaqooyin kala duwan uga soo qabtay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed isaga oo mar soo noqday Taliye ku-xigeenka Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, sareeya Guuto General Sulub ayaana hadda ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya ee (Dan-Qaran).

Dhanka kale Taliye fanax ayaa bogaadiyey Taliyihii hore ee Ciidanka Boliiska Soomaliyeed Sareeya Gaas Cabdi Maxamed Xasan (Xijaar) kaalintiisii shaqo intii uu joogay Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyed, isaga oo xusay in Taliye xijaar uu si hagar la’aan ah ugu adeegay Shaacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn Taliyaha Ciidanka Haramcad Gaashaanle fanax waxa uu ka codsaday dhamaan Qeybaha kala duwan ee ciidanka Booliska Soomaaliyed iyo Saraakiishooda in si buuxda loo garab istaago Taliyaha Cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyed si uu guto Waajibkiisa Qaran.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More