Taliyaha cusub ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed General Sulub oo xilka la wareegay
Feb. 04 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/G Sulub Axmed Firin iyo Taliyihii hore S/G Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).
Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay Dugsiga Sare ee Booliska ee Janeraal Kaahiye ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku uga mahad celiyey Taliyihii hore shaqadii uu dalka u soo qabtay muddadii uu hoggaaminayey Booliska oo gaaray guulo wax ku ool ah.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in xilligan muhiimka ah ee dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah ay ciidanka booliska Soomaaliyeed kaalin weyn kaga jiraan howlgallada socda. isla markaana ay gacanta ku hayaan xasillinta dhammaan deegaannadii la xoreeyey.
Mudane Saalax ayaa xusay in ciidanka Booliisku uu yahay hooyada ciidamada kala duwan ee Qaranka, waxuuna ku booriyey hoggaanka cusub in looga fadhiyo xaqiijinta amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka, iyagoo qeyb ka ah barnaamijka xasillinta Xukuumadda Dan-Qaran ay u qorsheysay deegaannada la xoreeyey.
Munaasabadda ay xilka kula kala wareegayeen Taliyaha cusub ee Ciidanka Soomaaliyeed iyo Taliyihii hore ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xildhibaanno, Saraakiil iyo marti sharaf kale.