Taliyaha cusub ee CXDS oo safar deg deg ah ku tagay degmada Galcad, amarna siiyay ciidamada
Jully. 02 (Jowhar.com)-Taliyaha cusub ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa barqanimadii maanta gaaray deegaano kamid ah gobolka Galgaduud, halkaasoo ay difaacyo uga jiraan ciidamadda xoogga dalka.
Sida wararku sheegayaan, Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow ayaa tagay degmada Galcad oo kamida goobaha ay sanadada badan heysteen Shabaab, balse laga fara maroojiyay, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka Gorgor.
Taliyaha cusub ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa marka hore kormeeray saldhigyada ciidamada ay ku leeyihiin Galcad, wuxuuna intaasi kadib warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada oo xog kasiiyay xaalada iyo qorshaha uga dagsan deegaanada wali Shabaab ay heystaan.
Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow oo hadal kooban siiyay saraakiisha iyo askarta ayaa u sheegay in u jeedka safarkiisa ay eheyd isbarasho iyo kala xog-qaadasho, wuxuu faray iney isu diyaariyaan wajiga labaad ee dagaalka Shabaab oo lagu aadayo Ceelbuur, isagoo balanqaaday inuu dib ugu soo laaban doono, xalna loo heli doono cabashooyin yar yar oo ay ciidamada qabaan.
Ugu danbeyn, Taliyaha cusub ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa dib uga soo laabtay deegaanka Galcad oo uu ku tagay diyaarad Helicpter ah, waxey eheyd safarkiisii ugu horeeyay ee uu caasimada uga boxo tan iyo markii xilkaasi loo dhiibay 19-kii bishii hore ee June.