Taliyaha Milatariga Suudaan Alburhaan oo aqbalay xabad joojin 24 saac ah
Apr. 18 (Jowhar.com)-Taliyaha Milatariga Suudaan, Cabdifataax Alburhaan ayaa ogolaaday xabad joojin 24 saac ah oo ka bilaabanaysa lixda makhribnimo ee maanta.
Warbaahinta Afka Dheer ee laga leeyahay dalka Qatat Aljazeera ayaa kasoo xigatay saraakiil u dhaw Alburhaan in ay xabad joojinta riixayaan dowladaha Beesha caalamka.
Goor sii horreysay oo maanta ah, wasiirada arrimaha dibedda dalalka G7 ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Sudan “inay si deg deg ah usoo afjaraan coladda” kuna laabtaan wada-hadalalda kadib maalmo ay socdeen dagaallo ay ku dhinteen ku dhowaad 200, kuna dhaawacmeen in ka badan 1,800.
Rabshadaha ayaa dillaacay Sabtidii kadib toddobaadyo ay awoodda isku haysteen labada Jeneraal oo xukunka ku qabsaday afgambi 2021-kii, kuwaas oo kala madaxa ciidamada Sudan Cabdifataax al-Burhan iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Xamdan Daglo oo hoggaamiyaha ciidamada sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic.