Taliyaha NISA Mahad Salaad oo Gedo tagay iyo kulamo ka socda Doolow.

Dec. 19 (Jowhar.com)-Taliyaha Nabad Sugida Soomaaliya Mahad Salaad ayaa goordhow ka degay magaalada Dooloow ee gobolka Gedo, halkaasoo soo dhaweyn loogu sameeyay.

Safarka madaxa Mukhaabaraadka Soomaaliya ayaa salka ku haya dajinta xiisadaha siyaasadeed ee maalmahan ka soo cusboonaaday gobolkaasi Gedo iyo ka jawaabida baaqyadii is daba jooga ahaa ee ka soo baxayay maamulka Jubaland, taasoo eheyd in dowladda ay soo fara galiso xaaladda sigaasadeed ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Mahad Salaad uu kulamo ka wado Dooloow, isagoo kulamadan la yeelanayo saraakiisha ciidamadda, maamulada gobolka iyo kuwa degmooyinka iyo Odayaasha dhaqanka.

Wixii ka danbeeyay markii 9-kii bishan la dilay taliyihii NISA ee Gedo Bakaal Kooke, waxaa isa soo tarayay muranada siyaasadeed ee ka jira gobolkaasi Gedo, waxaana soo ifbaxay dhinacyo iska soo horjeeda oo kala taabacsan dowladda, Jubaland iyo kooxdii talada dalka hore u heysay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More