Taliyayaasha ciidamadda Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay ciribtirka Shabaab
Jan. 31 (Jowhar.com)-Taliyaha ciidan xooga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa Magaalada Muqdisho kula Kulmay dhiggiisa dalka Kenya General Robert Kariuki oo maanta soo gaaray Muqdisho.
labada Taliye ayaa ka wada hadlay iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac iyo xoojinta la dagaallanka Kooxaha Shabaab oo dhibaato ku ah ammaanka labada dal.
Taliyaha Ciidamada difaaca dalka Kenya General Robert Kariuki ayaa Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku bogaadiyay howlgalka Ciribtirka Shabaab ee ka socda dalka isagoo Ballan qaaday in ciidanka Kenya ee qeybta ka ah ATMIS ay door weyn ka qaadan doonaan ciribtirka kooxdaasi.
General Odawaa Yuusuf Raage ayaa dhankiisu uga mahad celiyay Kenya doorka ay qaadaneyso howlgallada Khawaarijta looga xoreynayo dalka.