Taliye ciidan iyo askartiisa oo lagu dilay dagaal ka dhacay Masaajid Cali Gaduud

Aug. 03 (Jowhar.com)-Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku dagaalamay deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana dagaalkaasu ka dhashay khasaare xooggan.

Wararka ayaa sheegaya in labada ciidan oo kala shakiyay uu dhexmaray dagaal socday kudhowaad saacad, waxaana jiro dhimasho iyi dhaawac labada dhinac kala gaaray.

Wararka ayaa tilmaamaya in 4 qof ay ku dhinteen dagaalka, halka ay ku dhaawacmeen 5 ruux oo kale, dadka dhintay waxaa kujiro sarkaal sare oo ciidanka Soomaaliya kamida.

Kabtan Maxamed Axmed Abshir oo ahaa taliyihii ururka 2-aad guutada Cali Bin Abii Daalib, kaas oo la sheegay inuu horkacayay ciidanka ku sii jeeday furimaha dagaalka ayaa geeriyooday.

Kabtanka la dilay iyo ciidamadiisa oo ka baxay Muqdisho, kuna sii jeeday furinta hore ee dagaalka ka socda xadka kala qaybiya gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud ayaa waxa ay isku dhaceen ciidamo kale oo ku sugnaa duleedka Masaajid Cali Gaduud, kadib markii kala shakiyeen labada dhinac.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More