Taliye kuxigeenkii ciidanka DANAB oo lagu dilay weerarka ka dhacay Galcad
Jan. 20 (Jowhar.com)-Taliye ku-xigeenkii Ciidanka Kumaandooska ee Danab, Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) ayaa lagu dilay weerar qaraxyo ku bilowday oo Shabaab saaka ay ka qaaday degmada Galcad oo hoostaga Ceeldheer ee gobalka Galgaduud halkaas oo dhawaan ciidamada dowladda ay la wareegeen.
Sida macluumaadka la helayo ay sheegayaan, Illaa laba baabuur oo Qaraxyo ah ayey Shabaab u adeegsadeen weerarka degmadda Galcad ee Galgaduud.
Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan ayaa hoggaaminayay cutubyo ka tirsan ciidamadda DANAB ee uu taageero Mareykanka, kuwaasoo saldhigyo ku lahaa degmada oo dhawaan uun lala wareegay.
Saraakiil ka tirsan ciidamadda Xoogga dalka ayaa xaqiijiyay geerida sarkaalkan, iyagoo sheegay in sidoo kale askar kale ay la geeriyoodeen.
Shabaab oo dhul balaaran looga qabsaday howlgalka Hirshabelle iyo Galmudug looga xoreynayo, ayaa dagaalkoodii kusoo koobay weeraro gaadma ah ay ku qaadaan saldhigyada ciidamadda, mana muuqato qorshe ay arrintaasi uga hortagayaan ciidamadda dowladda iyo kuwa deegaanka.
Kooxda ayaa weerar gaadmo ah oo qaraxyo ku bilowday ka geysatay Jalalaqsi, Buula-barde, Maxaas, Xawaadleey, Qaayin iyo Galcad, dhamaan weeradraaasi ayaa xili iyo qaab isku mida u dhacay, waxaana lagu dilay askar iyo saraakiil badan.