Taliye Maxamed Dahair oo lala eegtay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac

Feb. 21 (Jowhar.com- Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Qaraxa oo ahaa Miino nooca dhulka la galiyay ayaa qabsatay gaari Cabdi Bile ah oo uu leeyahay Gaashaanle Sare Maxamed Daahir Cabdulle Taliyaha Guutada ilaalada Madaxda Qaranka iyo Hay’adaha Muhiimka ah ee VIP ee Ciidanka Boliiska Soomaliyeed.

Inta la ogyahay laba qof ayaa ku geeriyootay qaraxa, halka todobo kale ay ku dhaawacmeen, dadka dhintay mid kamida waa askari sarkaalka la beegsaday ilaalo u ahaa halka qofka kalena uu ahaa shacab, iyadoo weerarkan uu ka dhacay wadada Kuliyada Jaalle Siyaasad ee Degmada Hodan.

Si kastaba, Waa markii 3-aad oo sidaan oo kale ay Shabaab isugu daydo in ay disho Taliye Maxamed Daahir.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More